Wednesday, April 15, 2026

Diyaarad milatariga Ee Ciidanka Turkiga Oo Qaaday Ciidanka Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read

Diyaarad milatari oo ah nooca A400M Atlas oo ay leeyihiin ciidanka Cirka Turkiga, ayaa maanta iyo shalay ka qaaday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ciidamo Soomaaliyeed oo loo qaaday Turkiga si ay u qaataan tababaro gaar ah oo la xiriira ciidamada gaarka ah (Special Forces).

Saraakiil ayaa xaqiijiyay in duulimaadyo kale ay jiri doonaan maalmaha soo socda, iyadoo ciidamo dheeraad ah loo qaadi doono tababaro sare.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay in inta badan ciidanka lagu tababaro gudaha dalka, gaar ahaan xerada TurkSom ee Muqdisho, halka ciidamo gaar ah oo ka tirsan cutubyada Gorgor loo qaado Turkiga si ay u helaan tababaro heer sare ah oo ku saabsan howlgallada gaarka ah iyo la dagaalanka argagixisada.

Taliyaha Ciidanka gaar ah ee Soomaaliya Gen Aadan Dheere ayaa garoonka ka sagootiyay si ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.