Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee The Hill ayaa sheegay inay Pakistan leedahay awood ay ku xakameyso Trump, sabab la xiriirta Trump, wuxuu ixtiraama taliyaha ciidanka Pakistan, kaasoo xiriir toos ah la leh.
Wageyska ayaa sheegay saameynta ay Pakistan ku leedahay Trump, inay kala dhalatay guushii ay Pakistan ka gaartay dagaalkii Hindiya , iyo kulan uu Trump la yeeshay taliyaha militariga Pakistan,Jen. Asim Munir.
Warbixinta, wargeyska waxaa lagu sheegay; “Kadib markii Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay taliyaha ciidanka Pakistan, Jen. Asim Munir sannadkii hore, wuxuu Trump u yeeray kooxdiisa shaqada , isagoo waydiiyay; Yaa yihiin dadka Pakistan? Waa dal yar ,haddana wuxuu leeyahay hub nukliyeer .Waxay sidoo kale si adag uga adkaadeen Hindiya, dagaalkii dhex maray. Yaa yihiin dadkani?”

Screenshot

