Sacuudiga Iyo Imaaraadka oo Duqeymo ka Fuliyey Gudaha Iran

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa gashay marxalad cusub oo aad u khatar badan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay duqeymo qarsoodi ah ka fuliyeen gudaha dalka Iiraan, kuwaas oo aan horey loo shaacin.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay in weeraradan ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo lagu jawaabayay duqeymo iyo gantaallo ay Iiraan hore ugu qaaday gudaha labada dal ee Khaliijka.

Sida ay Reuters kasoo xigatay saraakiil reer galbeed ah iyo ilo Iiraaniyiin ah, duqeymahan ayaa dhacay dabayaaqadii bishii March, xilli uu sii xoogeysanayay dagaalka gobolka ee ka dhashay weeraradii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan bishii February ee sanadkan. Warbixintu waxay sheegtay in Sacuudiga uu qaaday weerarro cirka ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, kuwaas oo jawaab u ahaa gantaallo iyo drones ay Iiraan ku weerartay gudaha boqortooyada, gaar ahaan xarumaha shidaalka iyo goobaha rayidka.

Reuters ayaa tilmaamtay in tani ay noqon karto markii ugu horreysay ee Sacuudi Carabiya si toos ah weerar militari uga fuliso gudaha dhulka Iiraan, arrintaas oo muujineysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda difaaca Riyadh.

Muddo dheer Sacuudiga wuxuu ku tiirsanaa gaashaanka militari ee Mareykanka, balse dagaalladii ugu dambeeyay ayaa muujiyay in xitaa nidaamyada difaaca ee Mareykanka aysan si buuxda uga hortagi karin weerarada Iiraan iyo kooxaha xulafada la ah.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale la sheegay inuu qaaday weerarro qarsoodi ah oo gudaha Iiraan ah. Warar ay daabaceen Reuters iyo Wall Street Journal ayaa sheegay in mid kamid ah weeraradaasi lagu bartilmaameedsaday warshad sifeysa shidaalka oo ku taal jasiiradda Lavan ee gacanka Persian-ka, halkaas oo dab weyn uu ka kacay kadib duqeynta. Dowladda Imaaraadka weli si rasmi ah uma aysan qiran weeraradaas.

Warbixinnada ayaa muujinaya in dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo quwadaha gobolka uu si qarsoodi ah u ballaaranayay muddooyinkii dambe, iyadoo dhammaan dalalka Khaliijka ay la kulmeen weeraro drones iyo gantaallo ah oo Iran lala xiriiriyay. Iiraan ayaa la sheegay inay bartilmaameedsatay saldhigyo militari, garoomo diyaaradeed iyo xarumo shidaal oo kuyaalla Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Bahrain iyo Kuwait.

Khubarada amniga iyo siyaasadda ayaa sheegaya in tallaabadan ay si weyn u beddeli karto isku dheelitirka awoodda gobolka. Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hore uga taxaddari jiray dagaal toos ah oo ay la galaan Iiraan ayaa hadda u muuqda kuwo diyaar u ah inay si toos ah uga jawaabaan weerarada kaga yimaada Tehran. Waxaa sidoo kale la sheegay in labada dal ay isku dayayeen inay fariin adag u diraan Iiraan, taasoo ah in weerar kasta oo lagu qaado dhulkooda uu yeelan doono jawaab militari oo degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tilmaamaya in Sacuudiga uu wali sii waday xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Iiraan xitaa kadib weeraradan, iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegeen in labada dhinac ay yeesheen wada-hadallo qarsoodi ah oo lagu dejinayay xaaladda. Reuters ayaa sheegtay in kadib hanjabaado ay Riyadh u dirtay Tehran iyo jawaabihii militari ee dhacay, weeraradii Iiraan ee lagu qaaday Sacuudiga ay si weyn hoos ugu dhaceen horraantii April.

Wararkan cusub ayaa muujinaya sida colaadda Bariga Dhexe ay uga sii gudubtay dagaallo dadban iyo wakiillo, kuna sii dhawaaneyso iska horimaad toos ah oo dhexmara quwadaha ugu awoodda badan gobolka. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in haddii xiisaddan sii kororto ay saameyn weyn ku yeelan karto dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan shidaalka iyo amniga marin-biyoodka Hormuz oo muhiim u ah ganacsiga adduunka.