Sharci Cusub Oo ay soo Saareen Maamulka islaamiga Talibaan Ee Afganistaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sharci cusub ayey soo badhigeen Maamulka islaamiga ee Talibaan, xukunka hogaamiya sare ee Hibatullah Akhundzada ayaa shaqaalaha dawlada ku booriyey inay qasab tahay in salaadaha Alle misaajidka ku oogaan, hadii u shaqaalaha dawladu iska soo xaadirin safafka salaadaha waajibka ah taas lagu cabirayo heerka akhlaaqda shaqaalaha ummada u adeegaya.

Haddii u qofku kasoo bixi waayo waajibaadka alle waxaa loo arki doonaan qof aanan u qalmin inuu ummmada islaamka u adeego waxaana lagu ganaaxi doonaa in marka hore mushaarka laga joojiyo muddo ama shaqadaba laga eryo hada heerka dadaal yarida lagu arko ayey ku xidhan tahay.

Ogow dawladaha islaamku waa hooyo qofka bani’aadamku u diyaarinaysa inuu adduunkana sharaf ku noolaado iyo Aakhiraba janno galo, salaadda oo hagaagta ummada ayaa ku hagaagi, dawlada islaamku hadii uu qofka dhibaato maadi ama nafsi ah haysato waa la caawin muhiimadu waa inuu qofkasta alle ku xidhnaado.