Sunday, October 25, 2026

Sheekh Al-Sudeysi Oo si Adag u Cambaareeyay Weerarada Xuutiyiinta Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudeysi ayaa maanta si adag u cambaareeyay weerarada la sheegay in Xu/tiyiintu ay markale ku beegsadeen Magaaloyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina, kadib markii Ciidamada Sucuudigu ay sheegeen in sabtidii la qabtey gantaalo ku wajahnaa magaalooyinka barakeysan oo Xu/tiyiintu ay soo rideen.

Sheekh Sudaysi ayaa sheegay in xurmada iyo ammniga goobaha barakeysan ay yihiin khad cad oo aan laga gudbi karin, wuxuuna weerarada Xu/tiyiinta ku tilmaamay iney yihiin xadgudub cad oo ka dhana qiyamka iyo karaamada Islaamka, taasoo uu sheegay iney muujineyso wax uu ku tilmaamay “cadaawada daran ee ay u qabaan muslimiinta iyo goobaha barakeysan.”