Ugu yaraan 80 qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Somaliyeed ayaa maanta lagu dilay duqeymo ay ciidamada dowladda Suudaan la beegsadeen xarumo ganacsi iyo deegaanada ku xeeran ee ku yaala Gobolka Abyei ee xadka u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida saddex dhallinyaro Soomaali ah oo aaggaas u joogay ka ganacsiga shidaalka, waxaana weli nolol iyo geeri lagu la’yahay dad kale oo badan oo ku sugnaa goobta la duqeeyay.
Masiibadan xanuunka badan ayaa wal-wal badan ku abuurtay qoysaska iyo ehellada dhallinyaradaas, iyadoo xaaladda deegaankaasi ay weli tahay mid aad u cakiran oo ay adag tahay in xog rasmi ah oo dhammaystiran laga helo.
