Friday, November 20, 2026

Trump Oo Dib ugu Laabtay Mareykanka Kadib Kulankii Uu la Yeeshay Madaxda Shiinaha Iyo Ruushka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa dib ugu laabtay Mareykanka, ka dib socdaalkii uu ku tagay Shiinaha oo wadahadallo gaar ah uu kula yeeshay Putin iyo Xi.

Inta uu socdaalka Shiinaha isku diyaarinayay iyo muddadii uu ku sugnaa Shiinaha, wuxuu Mareykanku wajahay xaaladdo aan horey usoo marin oo ka dhalatay shaqo joojin ay wajaheen hay’addo dawladeed , bankiyo iyo shirkadaha tiknoolajiyada. Inta ay waxan oo dhan dhacayeen ma qaadin Trump, wax tallaabo.

Isla markii uu Trump, maanta ku laabtay Mareykanka, wuxuu shaqada ka saaray madaxa amniga internetka ee dawladda Mareykanka,Sean Kearneycross.

Waxaa la filayaa go’aamo kale inuu soo saaro, xilli ay jiraan dhinacyo badan oo gudaha Mareykanka ku sugan oo aaminsan Mareykanka inuu wajahay weerar internet, waxayna ku eedeynayaan isla Shiinaha uu Trump booqday, Ruushka ama Iiraan, inkastoo Trump iyo maamulkiisa ay diidanyihiin inay kor u sheegaan weerar aan horey u dhicin inuu Mareykanka wajahay.

Iyadoo waxyaabo aan caadi ahayn ay ka socdaan gudaha Mareykanka, sababta uusan si deg deg ah wax shaqo ka saaris ah ama go’aamo uusan u qaadin Trump,waxaa loo qaadan karaa inuu ka hortagayay wax carqaladeeya kulamada iyo sawirrada uu ka soo helay Shiinaha. Wuxuuna dirayay farriin u muuqata ; “Bal aan marka hore kulankayga qabsado, sawirradana ku galo shir-madaxeedka, yaana la iga kharribin fursaddan.”