Tuesday, October 6, 2026

Trump Oo Qalinka ku Duugay in Dil lagu Fuliyo Sargaal ka Tirsanaa Ciidanka Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa qalinka ku duugay in dil lagu fuliyo Dhame Nidal Malik Hasan oo ahaa sarkaal Maraykan ah oo ciidamo askartiisa ka tirsan rasaas ooda uga aaaday 2009. ka dibna 13 ka mid ahi goobtii ku dhinteen halka 32 kalena dhaawacmeen. Weerarka ayaa ka dhacay xerada ciidamada qalabka sida ee Maraykanka ee Fort Hood ee gobolka Texas.

Trump ayaa ogolaaday codsi ka yimid xoghayaha dagaalka oo sheegay in loo baahan yahay in Nidal Malik Hasan oo ahaa Jihaadi dil lagu Oofiyo.

Hadii arintan la meelmariyo, waxay noqonaysaa dilkii u horeeyey ee askari Maraykan ah lagu fuliyo, tan iyo sanadkii 1961. Askariga ayaa ka xanaaqsanaa dagaalkii Ciraaq ee Maraykanku dhiiga faraha badan ku daadiyey, wuxuuna ku dhawaaqayey Eebaa weyn markii uu weerarka qaadayey.