HNN: Donald Trump ayaa sheegay inuu soo rogi doono “cashuur aad u weyn” oo aargoosi ah haddii Ingiriisku aysan ka qaadin cashuurta dijitaalka ah ee ay ku soo rogtay shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka sida Apple, Google iyo Meta.
Haddii aysan ka noqon cashuurta, markaas waxay u badan tahay inaan ku soo rogi doonno Ingiriiska cashuur aad u weyn, ayuu madaxweyne Donald Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad khamiistii.
Ingiriiska ayaa hirgelisay cashuurta dijitaalka ah sanadkii 2020. Labadaba Trump iyo madaxweynihii ka horreeyay, Joe Biden, waxay dhaleeceeyeen cashuurta Britain, taas oo saameyneysa shirkadaha sida Apple, Google iyo Meta, iyadoo lagu soo rogay 2% cashuur ah dakhliga ay ka sameeyaan gudaha Ingiriiska.
Trump ayaa sii faahfaahiyay aragtidiisa ku saabsan cashuurta wareysi uu siiyay wargeyska The Telegraph.
Waan eegnay arrintan, waana sahlan tahay inaan uga jawaabno anagoo si fudud u saarna cashuur weyn Ingiriiska. Sidaas darteed waa inay taxaddaraan. Haddii aysan ka noqon cashuurta, waxay u badan tahay inaan ku soo rogi doonno cashuur aad u weyn Ingiriiska, ayuu yiri Trump.
Wuxuu aaminsan yahay in cashuurtan ay si aan caddaalad ahayn u beegsanayso shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka.
Ma jecli marka ay beegsadaan shirkadaha Mareykanka, sababtoo ah ugu dambeyntii waxay ka hadlayaan shirkadahayaga waaweyn ee Mareykanka. Haddii aan jecelnahay ama aanan jeclayn, haddana waa shirkado Mareykan ah, waana kuwa ugu waaweyn dunida, ayuu Trump u sheegay wargeyska.
Heemaal News Network.
