Baadari Leo, oo ah hogaamiyaha Catholics-ka adduunka, ayaa Spain ku amaanay sida ay uga go’an tahay nabadda iyo midnimada ummadaha mar uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Baadariga ayaa Dowladda Spain ku taageeray sida ay uga soo horjeesatay dagaalada Gaza,Iran, iyo Ukraine sanadihii u dambeeyay.
“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa dalkiina oo ah waddan had iyo jeer u hoggaansama shuruucda caalamiga ah iyo is-dhexgalka dhinacyada badan leh, qaabkanina wuxuu si cad u muujinayaa sida ay uga go’an tahay nabadda iyo wadajirka ummaddaha dhexdooda,” ayuu Pope-ka ka yiri xaflad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay qasriga boqortooyada ee Madrid.
