Tuesday, September 8, 2026

War Cusub Oo ka Soo Kordhay Safarka Madaxweyne Cirro Ee Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Somaliland ee Dalka Mareykanka ayaa qoraal oo baahiyey goordhawayd wuxuu ku sheegay kulamo muhiim ah oo Madaxweynuhu ka qayb galayo

Qoraalkan ayaa u dhignaa sidan

Labada toddobaad ee soo socda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la kulmi doona saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, xubno ka tirsan Kongareeska, iyo daneeyayaal kale oo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Maanta, wuxuu ka qaybgalayaa Shirka Middle East–America Dialogue (MEAD), halkaas oo uu farriin adag oo ku wajahan bulshada siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka ee Washington ka jeedin doono.

Madaxweyne Cirro ayaa yidhi:

“Somaliland waxay garab taagan tahay Maraykanka dagaalka ka dhanka ah xoogagga argagixisada iyo cadaadiska, sida aan sidoo kale garab u taaganahay Taiwan iyo Israa’iil. Waxaan haynaa awoodo iyo khayraad dhab ah oo aan ku biirin karno iskaashigan, waxaana diyaar u nahay inaan si dhab ah uga midho-dhalinno.” Se