Maanta waxaa la qaaday tallaabo muhiim u ah mustaqbalka difaaca Soomaaliya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka. Jaamacaddan ayaa la sheegay inay yeelan doonto kulliyado, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo adeegyo kale oo looga baahan yahay xarun waxbarasho oo heer qaran ah.
Dawladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka taageeraysa dhismaheeda. Waxaa sidoo kale la shaaciyey in dib loo dhisayo Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.
Labadan mashruuc waa muhiim, balse Jaamacadda Difaaca Qaranka waxay leedahay qiime intaas ka weyn. Waxay fursad u tahay Soomaaliya inay dhisto nidaam ay ciidankeeda ku helaan aqoon, tababar iyo faham mideysan. Dal aan lahayn ciidan si isku mid ah u tababaran, una wada shaqeeya hal nidaam, way ku adag tahay inuu yeesho awood difaac oo adag.
Shiinaha oo ka mid ah dalalka leh nidaam milatari iyo waxbarasho difaac oo horumarsan ayaa iskaashigan ka dhigaya mid mudan in si gaar ah loo qiimeeyo.
Aniga aragtidayda, mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee Ciidanka Xoogga Dalka haysta waa in aanu weli jirin nidaam mideeya tababarka iyo aqoonta askarta. Ciidamadeennu waxay tababarro ku soo qaataan dalal kala duwan, mid walbana wuxuu la yimaadaa habkii iyo aqoontii uu halkaas ku bartay. Marka ay dalka ku soo laabtaan, badankoodu waxay si toos ah ugu biiraan hawlgallada, iyaga oo aan marka hore marin tababar ay ku wada qaataan, kuna bartaan hal hab oo ciidan oo ay kula howlgali karaan ciidamada kale oo iyaguna tababar ku soo qaatay dalal kala tababar iyo istaraatijiyad duwan.
Arrintani waxay keeni kartaa in askartu ku kala duwanaadaan habka ay u shaqeeyaan, taasoo saamayn karta wada shaqaynta, isfahamka iyo kalsoonida dhexdooda.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in askari kasta oo tababar dibadeed ka soo laabta uu maro tababar qaran oo lagu mideynayo aqoonta uu soo bartay. Waa inuu bartaa dhulka iyo juqraafiga Soomaaliya, xaaladaha amni ee dalka iyo habka uu u shaqeeyo Ciidanka Xoogga Dalka. Waxaa intaas ka sii muhiimsan in la dhiso kalsoonida iyo xiriirka ka dhexeeya ciidamada, si askari kasta uu u dareemo inuu ka tirsan yahay hal ciidan oo leh hal ujeeddo.
Waxaa jira arrin ay tahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed fahmo. Ciidanka Xoogga Dalka ma aha arrin ku kooban dawlad ama hoggaan siyaasadeed. Waa ciidanka qaranka, waana gaashaanka lagu ilaaliyo jiritaanka dalka, madax-bannaanidiisa iyo sharafta ummadda. Sidaas darteed, taageeridda iyo dhisidda ciidanku ma aha taageero siyaasadeed, ee waa taageeridda qarannimada Soomaaliya.
Ugu dambayn, ciidan xooggan laguma dhiso hub , taageerro dibadeed iyo askar tiro badan oo keliya. Waxaa lagu dhisaa aqoon, tababar wanaagsan, hoggaan, anshax iyo kalsooni. Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan aan ku kala duwanaan habka uu u shaqeeyo, balse leh aqoon iyo tababar mideysan, isla markaana fahamsan in dhammaantood ay u adeegayaan hal dal.
Difaaca Soomaaliya waa difaaca jiritaankeeda iyo sharafteeda. Ciidanka Xoogga Dalka oo xooggan, aqoon leh, mideysanna waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo arrintaas. See less


