200 Dagaallame Oo ka Goostay Ciidanka RSF kuna biiray Ciidamada Sudan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qiyaastii 200 dagaallame oo ka tirsanaa ciidanka RSF , oo uu hoggaaminayay madaxa sirdoonka ciidamadaas ee Waqooyiga Kordofaan, Abu Bakr Hamouda Dahloub, ayaa maanta ka goostay RSF, kuna biiray ciidamada Suudaan ee ku sugan magaalada Omdurman,sida ay weriyeen Al Jazeera iyo warbaahinta maxalliga ah ee Sudan Tribune.

Kooxdu waxay sheegtay inay ciidamada Suudaan ku biireen iyagoo wata dhammaan hubkoodii, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dagaalka ay ciidamada dawladda iyo xulafadoodu kula jiraan RSF.

Madaxa sirdoonka ciidanka RSF ee Waqooyiga Kordofaan,Abu Bakr Hamouda Dahloub oo hoggaaminayay ciidanka is dhiibay ayaa tilmaamay inay garwaaqsadeen khaladkii ay galeen markii ay raaceen mashruuca ay wadaan qoyska Dagalo, isagoo sheegay inay hadda garab istaageen dhinaca qaranka,ayna u dagaallami doonaan sidii RSF meesha looga saari lahaa. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha kale ee RSF inay ka goostaan kooxda oo ay ku biiraan ciidamada dawladda.