12 qof Oo ku Dhimatay Dab Xoogan Oo ka kacay Kaymaha Spain.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain ayaa dilay 12 qof, oo ay ku jiraan afar muwaadin Ingiriis ah, halka 23 qof la sheegay in la la’yahay.

Dabkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa abid ee lagu arko Spain.

Boqolaal dab-damis ah iyo khabiiro kale ayaa la geeyay magaalada Bidar ee koonfur-bari Spain si ay isugu dayaan inay xakameeyaan dabka ka kacaya kaymaha.

Mas’uuliyiinta aagga Los Gallardos ee gobolka Almeria ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.

Spain waxay sii waddaa inay la kulanto heerkul aad u sarreeya, iyadoo gaartay heerkul gaaraya 40 darajo Celsius, taasina waxay keentay in dab-damis laga soo sheego meelo kala duwan oo ku yaal koonfurta Yurub, gaar ahaan Faransiiska, Portugal iyo Spain.