Mid kamid ah wasiirradii hore ee Amniga Puntland, Cabdiweli Maxamed, ayaa la xaqiijiyay inuu isku dhaawacay toori, kaddib markii uu waayay magaciisa liiska cusub ee wasiirrada Puntland.
Wasiirka ayaa si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka Qaran ee Garoowe, halkaas oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in xaaladdiisu ay deggan tahay, isla markaana dhaqaatiirtu ay wadaan dadaallo lagu hubinayo badbaadadiisa.
Cabdiweli Maxamed oo ka soo jeeda beesha Majeerteen, gaar ahaan Abdirixiin Saleebaan, ayaa la sheegay inuu si weyn uga niyad-jabay kadib markii laga waayay liiska wasiirrada cusub ee dhawaan la shaaciyay.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo xaaladda iyo sababaha rasmiga ah ee arrintan ka dambeey
