Xuutiyiinta Yemen Oo ka Digay Xiriirka Somaliland Iyo Israel.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxamed Mahdi al-Mashat, oo ah madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta ka dhisan Sanca, ayaa cambaareeyay tallaabooyinka ay Somaliland ku doonayso inay xiriir caadiyeysan la yeelato Israa’iil, isaga oo ku tilmaamay khalad halis ah oo khatar ku ah Yemen iyo xasilloonida gobolka.

Waxa uu sidoo kale ka digay duullaan cusub oo Maraykan ama Sahyuuniyiin ay ku qaadaan Yemen iyo guud ahaan gobolka.

Al-Mashat ayaa sheegay in ciidamadiisu diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ilaa laga xoreynayo halkii inch ee ugu dambaysay ee dhulka Yemen, isaga oo mar kale xaqiijiyay taageerada Sanca ay u hayso Falastiin, Lubnaan iyo Iiraan.

Khudbad uu jeediyay munaasabadda sannad-guurada 36-aad ee midnimada Yemen ayuu ku sheegay in waxa uu ugu yeeray cadowga Maraykanka iyo Israa’iil aanu mar dambe qarinayn mashruuca loo yaqaan Israa’iil Weyn, isaga oo intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah Iiraan looga gol leeyahay in meesha looga saaro caqabad weyn oo hortaagan qorshayaasha Israa’iil ee gobolka.

Waxa uu sidoo kale uga digay Israa’iil inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay gardarrada ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo Lubnaan, isaga oo ugu baaqay dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo waxa uu ku sheegay dambiyada Sahyuuniyadda, halkii ay ku ekaan lahaayeen cambaareyn iyo bayaano.

Al-Mashat ayaa carrabka ku adkeeyay in Yemen aysan aqbali doonin wax qorshe ah oo lagu kala qaybinayo dalka ama lagu wiiqayo midnimadiisa, isaga oo ku eedeeyay Maraykanka iyo Sacuudiga inay doonayaan inay dalka kala qeybiyaan iyagoo adeegsanaya dagaal, go’doomin iyo taageeridda kooxaha ay xulafada yihiin. See less