Shiinaha oo si Adag u Diiday kala-qaybinta Somaliya ka dib Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

by Heemaal News

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’addo caalami ah oo si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, oo qayb ka ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, ayaa sheegay in Beijing ay ka walaacsan tahay arrintan, isla markaana si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala qaybsanaanta dhulka Soomaaliya, Wuxuu xusay in dalal iyo ururro caalami ah ay horay u cambaareeyeen tallaabada Israa’iil.

Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinahu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana uu Somaliland u arko qayb aan laga goyn karin dalka, Waxa uu sheegay in arrinta Somaliland ay tahay arrin gudaha ah, loona baahan yahay in ay Soomaalidu iyagu xalliyaan si waafaqsan danaha qaranka.

Afhayeenku waxa uu ugu baaqay dalalka ka baxsan gobolka inay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo xusay in aysan jirin dowlad xaq u leh taageeridda ama garab istaagga kooxo gooni-u-goosad ah si ay u gaarto dano u gaar ah.

Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ku booriyay Somaliland inay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho quwadaha shisheeye.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.