Dawladda Ingiriiska ayaa xidhiidhka kubbada cagta ee FIFA u gudbisay dacwad ka dhan ah xulkii Koobka Adduunka kaga adkaaday ee Argentina ka dib markiii ciyaaryahannada reer Argentina ay xalay ku dabaal degeen boodh lagu daabacay erayo ku wajahan Jasiirradda lagu muransan yahay ee Falkland.
London ayaa FIFA ka dalbatay in ay tallaabo ka qaado ciyaarahannada reer Argentina oo xalay soo bandhigay erayo ay ku sheegayaan in ay iyagu lee yihiin Jasiiradda Falkland oo dhinaca Argentina looga yaqaanno Malvinas.
Tan ayaa noqonaysa dawcaddii saddexaad ee FIFA gaadha oo lagaga cabanayo Argentina waxana hore dacwado uga gudbiyey xulalka Masar iyo Al jeeriya.
Ma kula tahay in FIFA wax ka qaban doonto cabashada England ?
