Taliyaha Ciidamada Danab ee Somaliya, Gen.Jimcaale Takar ayaa hadda galay Garoowe, ka dib todobaadyo uu ku sugnaa Laascaanood, iyada oo wadaxaajoodyadii dhexmaray waxgaradka Gobolka Nugaal & Xukuumadda Puntland ay soo afjareen xiisaddii ka taagnayd xidhiidhkiisa Dowladda Federaalka ah.
Wasiirrada Arrimaha-gudaha iyo Caafimaadka ayaa hadda la kulansan Gen.Jimcaale, iyada oo laga wada-hadlayo wadashaqaynta isaga iyo dowladda Puntland.
Ma cadda in taliyuhu uu la wada shaqayn doono Puntland iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya ee soo dirsatay iyo in uu mid u go’i doono. See less
