Saturday, April 4, 2026

Madaxweynaha Faransiiska Oo si Adag Uga Jawaabay Aflagaadadii Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si cad uga horyimi damaca Trump ee xoog lagu furo marinka Hormuz, wuxuuna ku sheegay hadalladaas inay yihiin kuwo aan habboonayn in laga jawaabo.

Arrimaha istaraatiijiga ah, Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in maamulka Trump uu si joogto ah u bixiyo fariimo iska soo horjeeda.

“Hadalku aad buu u badan yahay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “wax walba waxay u socdaan jihooyin kala duwan. Laakiin dhammaanteen waxaan u baahan nahay xasillooni, deggenaansho, iyo ku laabashada nabadda. Tani ma aha riwaayad.”

“Haddii aad rabto inaad dhab ka noqoto, ma sheegi kartid maalin kasta wax ka soo horjeeda wixii aad sheegtay maalintii ka horreysay.”

Trump ayaa isna ku sifeeyey Macron in ay maankiisa dhaawacday dharbaaxadii Afadiisa “Marwadiisa”, isagoo kutilmaamay nin aan waxba garan karin.

Dagaalka Iran ayaa isku diray Xulufadii awooda badneyd ee NATO, taas oo hadda kala dhaqaaq ah.