Monday, October 12, 2026

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Dhigiisa Israel kala Hadlay Xiisada Dagaal Ee Gobolka ka Taagan iyo Arimo kale

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wada-hadal telefoon la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xidhiidhka dalalkooda iyo xaaladaha siyaasaddeed ee gobolka, iyaga oo isla qaatay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wada-hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay saluugsan tahay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la leeyahay Masar, oo ay Itoobiya isku hayaan biyaha Niilka iyo arrimaha Badda Cas.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa dhowaan si adag u dhaliishay Xasan Sheekh, kadib markii uu Masar kula saxeexday bayaan ay qayb ka ahaayeen Eritrea iyo Suudaan.

Dhanka kale, markii Israa’iil ay aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland, waxa soo baxay su’aal siyaasadeed oo ah in Itoobiya ay qaadi karto talaabo la mid ah, gaar ahaan iyada oo danaynaysa marin-badeed iyo iskaashi istaraatiiji ah oo ay Somaliland la yeelato.