Dawladda la Aqoonsanyahay ee Yemen Oo Weerartay Xuutiyiinta.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dagaalkii sokeeye ee Yemen ayaa u muuqda inuu dib u qarxi karo, ka dib markii dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen oo Sacuudiga uu taageerro ay bilowday weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta.

Weerarkii u dambeeyay ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradah ee Sanca, xilli diyaarad ay leedahay Iiraan oo siday wafdigii Xuutiyiinta ee ka qaybgalay aaska hoggaamiyihii sare ee Iiraan oo isku dayaysay inay ka degto garoonka Sanca, balse dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Yemen ayaa shaacisay iyagoo ka jawaabaya wax ay ugu yeereen xad-gudub ay Iiraan kula kacayso hawada Yemen inay ka hortageen diyaaradda Iiraan inay ka degto garoonka diyaaradaua Sanco oo duqeymaha maanta ka dhacay ay waxyeello gaarsiiyeen dhabaha diyaaradaha ay ku degaan,isla waqtigan oo diyaarada Iiraan ka timid ay ku jirto hawada Sanca.

Weerarrada waxyar ka hor dhacay ka dib, waxaa soo baxay afhayeenka garabka militari ee Xuutiyiint, Yaxye Sariic oo qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu yiri; “Weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Sanca wuxuu soo afjaray marxaladdii xabbad-joojinta.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay ka jawaabi doonaan weerarka, isagoo ku hanjabay jawaab militari.