Saturday, April 4, 2026

Dalalka khaliijka Oo Qorsheynaya inay Dhoofinta Shidaalka U Wareejinayaan Badda Cas,

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka khaliijka ayaa qorsheynaya inay shidaalkooda ka soo wareejiyeen dhuumaha qaada ee looga dhoofiyo dekedaha ku yaalla marin-biyoodka Hormuz oo ay xakameyso Iiraan.

Dalalkan khaliijka ayaa dhammaan aa beddelkeeda qorsheynayaan in shidaalka khaliijka laga dhoofiyo Badda Cas, iyadoo la marayo dekedda ku taal gabeedka Sacuudiga ee Yanbu ee Badda Cas,sida uu weriyey wargeyska Financial Times.

Tallaabadan haddii ay dalalkan ku dhaqaaqaan waxay sare u qaadaysa muhiimada badda cas, balse Iiraan ayaa wali awood u yeelanaysa inay xakameyso, sabab la xiriirta taageerrada Xuutiyiinta, iyadoo aan la jarin xiriirka Iiraan iyo Xuutiyiintana , ma jirayo isbeddel.