Dhacdo Argagax Leh:-Wiil Aabihiis Dilay Oo Shan Bilood Kadib Maanta la soo Qabtay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Gobolka Faafan ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay Axmed Maxamed Xuseen, kaas oo lagu eedeeyay inuu shan bilood ka hor dilay aabbihii oo 60 jir ahaa, kadibna maydkiisa si qarsoodi ah u aasay.

Eedaysanaha ayaa muddadaas dadka iska dhigayay nin ka murugaysan aabbihii oo la raadinaya, isaga oo xitaa dadka kale kala qayb qaadan jiray baadi-goobka aabbihii. Hase yeeshee, dabagal iyo xeelad ay sameeyeen ciidamada booliska ayaa ugu dambayn horseeday in la qabto.

Sida lagu sheegay xogta dhacdadan, eedaysanaha ayaa qirtay inuu isagu dilay aabbihii, kadibna booliska u tilmaamay goobtii uu ku aasay. Markii goobta la tagay, waxaa laga helay lafihii marxuumka.

Eedaysanaha ayaa qirtay inuu aabbihii u dilay damac uu ka lahaa sidii uu u dhaxli lahaa beer jaad ah iyo xoolo geela oo uu lahaa marxuumku.

Dhacdadan ayaa bulshada ku reebtay argagax iyo amakaag, iyadoo dadku la yaabeen sida uu eedaysanuhu muddo shan bilood ah isaga dhigi karayay qof aabbihii la raadinaya, isaga oo laftiisu lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka iyo aasidda maydkiisa.