Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay inay aaminsan yihiin in Iiraan aysan diyaar u ahayn inay gasho wada-hadallo dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, sida ay werisay The New York Times oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah.
Sirdoonka Mareykanka ayaa si deg deg ah uga falceliyey wararka Trump ee la xariira in isbedel uu ka dhex socdo uuna burburayo nidaamka dalka Iran, xogta ay gudbiyeen Sirdoonka US waxay sheegeen in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in uu burburayo nidaamka Iran.sida ay sheegtay warbaahinta NBC NEWS,
Saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska in jamhuuriyadda Islaamiga ah ay u aragto inay ku jirto meel awood leh, isla markaana aysan khasab ku ahayn inay aqbasho dalabaadka Mareykanka ee heshiis.
Afayeenka Baarlamanka Iiraan ayaa yidhi “Todoba milyan oo Iiraniyiin ah ayaa diyaar u ah iney qoriga qaataan oo ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Mareykanka iyo ISRL.”
Waxay sidoo kale sheegeen in inkastoo Tehran ay diyaar u tahay inay sii hayso waddooyinka diblomaasiyadda, haddana aysan kalsooni ku qabin Washington, isla markaana aysan rumaysnayn in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhab ka yahay wadahadallada.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu soo jeedinayo dalabyo xad-dhaaf ah oo aan macquul ahayn, waxayna beenisay in ay jiraan wada-hadallo ku saabsan xabbad-joojin.
“Farriimo ayaa naga soo gaaray dhexdhexaadiyayaal, oo ay ku jirto Pakistan, balse ma jiro wadahadal toos ah oo aan la leenahay Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha Dibedda, Esmaeil Baqaei, sida ay baahisay wakaaladda ISNA.
Wuxuu intaas ku daray, hadal laga sii daayay telefishinka dowladda, in Iiraan ay diyaar u tahay inay ka jawaabto weerar kasta, oo ay ku jirto duullaan dhulka ah.
Afhayeen u hadlay militariga Iran ayaa sheegay in qiimeynta ay sameeyeen Mareykanka iyo Israel ee ku saabsan awoodda milatari ee Iran ay tahay mid aan dhameystirneyn, isagoo uga digay in aan la dhayalsan awoodda Iran.
Afhayeenka Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in goobihii la bartilmaameedsaday ay ahaayeen kuwo xaddidan, isla markaana wax soo saarka milatari ee muhiimka ah uu weli ka socdo meelo kale.
Wuxuu sidoo kale ka digay in cid kasta oo ka dambeysay weerarrada lagu qaaday Iran ay la kulmi doonto cawaaqib aad u xun , isagoo intaa ku daray in Tehran ay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi oo ka xoog badan kana ballaaran.