Saturday, April 4, 2026

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa ka Joojiyay Itoobiya.Iyo Itoobiya Oo Joojisay Faragalinta Arimaha Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa ku amray ineysan u safrin shan Deegaan oo kamid ah dalka Itoobiya.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa soo saartey digniin heerka afraad ah, taasoo muujineysa in muwaadiniinta Mareykanku gabi ahaanba ka fogaadaan iney u safraan Deegaamada Tigreega, Canfarta, Amxaarada, Gambella iyo Benishangul Gumuz, sababo la xidhiidha khataraha ammni oo sii kordhaya sida dagaalada hubeysan, dambiyada iyo afduubka

Itoobiya ayaa muujisay in ay joogsatay farogalinta Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay RW Abiy Axmed 8 sano ka hor.

“Sannad-guurada 8-aad ee xukuumadda Rayasal Wasaare Abiy Axmed waxay muujinaysaa isbeddelka ku yimid xidhiidhka Geeska Afrika, iyadoo la xoojiyay iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku qotoma is-dhexgal dhaqaale iyo xasilooni.” — Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa qortay, ka dib markii DFS ay la wareegtey maamulka KGS oo ay nabad ilaalin u joogto Itoobiya.