Saturday, August 1, 2026

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Yurub Oo Dalbaday Markab Dagaal Oo Dheeraad ah si loo Difaaco Israel

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warbixin cusub oo ay baahisay Washington Post, oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah ayaa sheegtay in taliyaha ciidamada Mareykanka ee Yurub uu ka digay in awoodda difaaca gantaallada ee gobolka ay wajahayso culays sii kordhaya.

Sida la sheegay, Mareykanku wuxuu u baahan karaa markab dagaal oo dheeraad ah si uu uga jawaabo weerarrada gantaallada Iran, haddii kale waxaa laga yaabaa in mudnaanta la siiyo ilaalinta ciidamada Mareykanka.

Arrintan ayaa muujinaysa culayska sii kordhaya ee ka dhashay xiisadda Iran, Israa’iil iyo Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in digniinta uu bixiyay Jeneraal Grynkewich ay waafaqsan tahay habraaca caadiga ah ee taliyeyaasha sare ee militariga.

“Waxay Pentagon-ka u diraan digniinno noocan oo kale ah marka ay arkaan khataro u baahan in Washington ay go’aan ka gaarto,” ayuu yiri sarkaalka.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in xaaladahan ay inta badan dhacaan marka taliyeyaasha ciidamada ay doonayaan agab ciidan.

Mareykanka ayaa digniin amni u diray muwaadiniintiisa ku sugan Bariga Dhexe

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad iyo qunsuliyadda Erbil ayaa soo saaray digniin dhanka ammaanka ah oo ay ugu sheegayaan mawaadiinta Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe in ay u diyaar garoobaan in ay ka baxaan gobolka.

Qoraal lagu daabacay barta X ee safaaradda ayaa sidan lagu yiri, “iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, xaaladda amni weli waa mid adag, waxaana suuragal ah in si lama filaan ah ay uga sii darto.”

Muwaadiniinta Mareykanka ee hadda ku sugan Bariga Dhexe ayaa ku jira taxadar dheeri ah, waxayna u diyaargaroobeen in duullimaadyada istaagaan oo hawada la xiro ama safarekooda carqalad ku timaada.

“Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee gobolka ayaa dib u dhigay dib u bilaabista duullimaadyadii hore loo qorsheeyay, halka kuwo kalena ay gabi ahaanba joojiyeen qaar ka mid ah duullimaadyada.”

Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee Urdun iyo Safaaradda Mareykanka ee Qudus ayaa iyaguna soo saaray digniino la mid ah.