Somaliland Oo si Adag Uga Hadashay Safarka R/Wasaare Xamse ku Yimid Laascaanood.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xukuumadda Somaliland Oo si Adag Uga Hadashay Safarka R/Wasaare Xamse ku Yimid Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraynaysa socdaalka daandaansiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ku yimid qaybo ka mid ah Gobolka Sool bari.

Tallaabadani waxa ay hordhac u tahay hurrin colaadeed iyo muran siyaasadeed oo aan geedna loogu soo gaban, waana ku-xad-gudub madaxbannaanida, wadajirka-dhuleed iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah ficil sii hurinaya colaadda, khalkhalna gelinaya amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Xukuumadda JSL wax ay si cad u sheegaysaa in falalkan masuuliyad-darrada ahi aanay waxba ku soo kordhinayn nabadda Gobolka, balse ay si toos ah u wiiqayaan dadaallada dunidu ku doonayso xasillooni waarta iyo nabadgelyo gobolka ka hana qaadda.

Somaliland waxay ugu baaqaysaa Midowga Afrika, IGAD, Qarammada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada caalamka in ay si cad uga soo horjeeddo tallaabooyinkan kicinta ah, isla markaana ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan in ay ka waantoowdo falalka sii hurinaya xiisadaha gobolka.

Somaliland waxa ay mar kale xaqiijinaysaa in ay weligeed u taagan tahay nabad, xasillooni iyo wada-noolaansho ku dhisan is-ixtiraam. Hase yeeshee, waxa ay si buuxda u adeegsan doontaa dhammaan tallaabooyinka sharci iyo qarannimo ee lagamamaarmaanka u ah difaaca madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo midnimada dhulkeeda.”

Wasaaradda Warfaafinta JSL