Dawladaha Khaliijka Oo ka Walaacsan Siyaasadda Mareykanka Ee ku Wajahan Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Wall Street Journal ayaa maanta ku warramay in dalalka Carbeed ee Khaliijka ay ka walaacsanyihiin siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Iiraan, iyagoo aaminsan in go’aamada Mareykanku aysan joogto ahayn oo marba dhinac u leexdaan.

Waxay ka baqayaan haddii dagaalku sii dheeraado, Iiraan inay weerarto dhulkooda iyo goobaha muhiimka ah, sida xarumaha shidaalka iyo korontada.

Sacuudiga wuxuu Trump ka codsatay inuu wadahadal iyo nabad ka hormariyo dagaal, isla markaana uu Mareykanku siiyo dammaanad amni oo dheeraad ah.

Laakiin Imaaraadka Carabta wuxuu rumeysan yahay in weerarro ciidan oo xooggan oo uu Mareykanku ku qaado Iiraan ay ku qasbi karaan Iiraan inay tanaasusho oo aqbasho shuruudaha la saarayo.