Imaaraadka Carabta ayaa si wayn uga xanaaqsan falcelinta iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen dadka barta X isticmaala u manna-sheegtey Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegey in ay xataa ka bixin jireen kirada guriga uu ka degenaa Abu Dhabi, sida uu xusey bare-sare oo ka tirsan Jaamacaddda UAE.
Imaaraadka ayaa sidoo kale ku dooday in dadka Somalida ah ee u midoobay ku tilmaamay Ururka Akhwaanul Muslimiin “Ikhwaanu Muslimiin” ayaa noo midoobay.
Dhinaca kale Sucuudiyaanka ayaa ku maadaysanaya sarkaal Imaaraati ah oo caawa ku dooday in Xasan Sheekh ay kirada ka bixi jireen.
Mid ka mid ah dadka ka falceliyay ” Waxaad la mid tihiin Islaan kirada bixi jirtay balse hada la furay”
“Haddii aan diido in la i maamulo, ma waxaan noqonayaa qof aan abaalka la garanayn?!
Saaxiibayaal, dalalku ma aha guryo kiro ah oo alaab lagu diyaariyey, madax-bannaaniduna heshiis kiro ma aha, kaalmaduna ma iibsan karto dal iyo dadkiisa!
Waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna, balse go’aanka qaranka lama iibiyo!”
Mid kale.
“Adeeg kasta oo aad dal siiso kuuma siinayo xaq aad ku kala qaybiso, kuna taageerto maamullo iyo maleeshiyaad gooni-u-goosad ah oo ka dhex jira dalkaas! Taasina waa haddii aanba rumaysanno in aad taageeradaas bixisay.”




