Madaxwayne Ciro War Saxaafadeed kasoo Saaray Cabashadii Kalyo Xanuunka Ee ka Taagnayd Hargeysa Iyo Borama
Kaddib cabashadii qaybo ka mid ah bukaanka kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Cisbitaalka ku tegey booqasho kedis ah oo uu ugu kuurgelayay cabashadan, iyo guud ahaanba xaaladda Cisbitaalka.
Madaxweynuhu waxa uu kulamo xog waraysi ah la yeeshay maamulka, hawl-wadeennada caafimaadka iyo bukaanka, gaar ahaan qaybta maydhista kelyaha. Intaa kaddib, Madaxweynuhu waxa uu qaaday tallaabooyinka soo socda oo hordhac u noqonaya xal-u-helidda guud ahaan xaaladaha cisbitaallada dalka, gaar ahaan Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo uu saaran yahay culays badan oo xagga adeeg-bixinta ah.
𝟏. 𝐈𝐧 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐞𝐥𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚:
Madaxweynuhu waxa uu amray adeegga kelyo maydhista oo imikaba bilaash ah, in sidoo kale bukaanka kelyaha loo maydhayo laga dhaafo lacagaha kooban ee ay ku iibsadaan dawooyinka iyo agabka yaryar ee la xidhiidha kelyo maydhista.
𝟐. 𝐈𝐧 𝐬𝐢 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐢𝐢𝐛𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐬𝐡𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐡:
Madaxweynuhu waxa uu amray in si degdeg ah loo soo iibiyo Shan iyo Toban mishiinnada Kelyo maydhista ah, si loo sii kordhiyo awoodda qaybta kelyo maydhista, loona yareeyo cadaadiska shaqo ee saaran mishiinnada hadda yaalla. Sida oo kalana loo hubiyo in bukaanka intii awoodda ah la wada gaadhsiiyo adeeggan, xilliga iyo saacadaha ku haboon.
𝟑. 𝐈𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐧:
Madaxweynuhu waxa uu diray Guddi Farsamo oo qiimayn buuxda ku samaysa xaaladda Cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa iyo Cisbitaallada Gobollada dalka, qaybaha adeegga daweynta, nidaamka maamulka iyo maaraynta, qalabka caafimaadka, kaabayaasha, iyo daryeelka bukaanka oo ay ku jiraan qaybaha Kelyo maydhista.
Guddidan farsamo waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland siin doonaan warbixin buuxda oo sees u noqota xalalka degdegga loogu baahan yahay iyo kuwa muddada dheer.
Madaxweynuhu waxa uu mar kale xaqiijinayaa in ay Xukuumadda ka go’an tahay kobcinta iyo horumarinta Cisbitaallada dalka, hadba intii ay awooddeenna dhaqaale saamaxdo, si kor loogu qaado kartida iyo tayada adeeg bixinta ee ay ku daboolayaan baahiyaha caafimaad ee jira.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
