Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyo wafti hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ee magaalada Stuttgart, dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula yeeshay madaxda AFRICOM wada-hadallo istaraatiiji ah oo la xidhiidha iskaashiga difaaca, amniga badda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, wasiirka waxa safarka ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Hariye, La-taliyaha Sare Faarax Axmed Xabuush iyo aqoonyahan Cabdicasiis Axmed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, iyadoo laga wada hadlay sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga dhinaca difaaca, loona horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sugidda amniga marin-biyoodka Baabal-Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah, iyadoo la isla eegay sidii looga hortagi lahaa khataraha sii kordhaya ee ka jira badaha.
Qodob kale oo muhiim ahaa ayaa ahaa xoojinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyada oo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista awoodaha ciidamada iyo hay’adaha amniga si ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee gobolka ka jira.
Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegtay in intii uu kulanku socday la isweydaarsaday doodo ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa la tacaalidda khataraha gobolka, isla markaana uu kulanku ku soo dhammaaday is-afgarad ay labada dhinac ku ballanqaadeen inay sii xoojinayaan wada-shaqaynta dhinacyada difaaca iyo horumarinta awoodaha hay’adaha amniga.
War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in heshiiskan hordhaca ah loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga badaha iyo doorka Somaliland ee dadaallada lagu ilaalinayo amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.
