Afar carruur ah – hal gabar iyo saddex wiil – ayaa si arxan darro ah loogu dilay iskuul ku yaal caasimadda Uganda ee Kampala, sida ay sheegeen booliiska.
Nin 34 jir ah oo la tuhunsan yahay ayaa la xiray laakiin “ujeeddada ka dambeysa dilalka wali baaritaan ayaa lagu hayaa”, ayay ciidamada booliiska Uganda ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda X.
iskuulkan waxaa lagu magacaaba Ggaba Early Childhood Development program, wuxuuna ku yaala deegaanka Makindye oo hoos yimaada caasimadda Kampala.
Baarayaasha ayaa goobta ku sugan, afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah la bixin doono gelinka dambe ee maanta.
Taliyaha booliiska Abas Byakagaba iyo saraakiil kale oo sare ayaa sidoo kale ku sugnaa iskuulka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan waxa dhacay.
Byakagaba wuxuu ku boorriyay dadweynaha inay is dejiyaan inta booliisku ay sii wadaan howlahooda.
Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda ayaa soo xiganaya dadka deegaanka oo sheegaya in qofka la tuhunsan yahay uu iska dhigay waalid , iskuulka ayuu gudaha u galay, ka dib markii uu la hadlay maamulaha waxaa uu uu weeraray carruurta dhiganeysa iskuulka.
Dhibanayaasha ayaa da’doodu u dhaxaysay laba ilaa saddex sano, sida uu wargeysku qoray.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa argagax gelisay guud ahaan dalka, taasoo keentay walaac xooggan oo ku saabsan badqabka ardayda wax ku barata dalka Bariga Afrika.ar




