Saturday, September 5, 2026

Giriigga Oo Sare u Qaaday Xiriirka uu la Leeyahay Israa’iil Xili Cadaawada Turkiga Sare u kacday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Giriigga wuxuu muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, halka dhinaca Israa’iil loo soo muujiyay Giriigga inuu yahay xulafo muhiim u ah Telaabiib, maadaama cadaawad ay Giriigga kala dhaxeyso Turkiga.

Laakiin, mar kasta oo xiriirka Israa’iil aad la leedahay uu sare u kaco, waxaad ku sii dhawaanaysaa in Israa’iil ku basaasto oo ay hesho macluumaadkii mustaqbalka lagugu maamuli lahaa.

Eeg hal tusaale;
Madaxa waaxda la-dagaallanka basaasnimada ee sirdoonka Giriigga, Yiannis Papadopoulos, ayaa toddobaadkii hore gudbiyay dacwad ciqaabeed ka dhan ah shirkadda Intellexa iyo aasaasayaasheeda, isagoo ku eedeynaya in telefoonkiisa la jabsaday oo lagu rakibay barnaamij ay si dhow u maamusho Israa’iil, laguna la socday xiriirrada uu sameynayo iyo dhaqdhaqaaqiisa, oo xataa ay ku jiri karto in muuqaallo laga duubay.