Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay billowday saxiixa heshiiska naqshadeynta iyo daraasadda mashruuc kaabayaal dhaqaale oo laga hirgelinayo magaalada Hargeysa.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruucu uu ka kooban yahay waddo dhererkeedu ku dhow yahay 45 kiiloomitir, iyadoo wejiga koowaad lagu dhisi doono 23 kiiloomitir, kuwaas oo ka bilaaban doona magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Buundaweyn (Buundada Weyn) ee Hargeysa ay qayb ka tahay wejiga koowaad ee mashruuca, isla markaana lagu qiyaasay in lagu maalgelin doono ku dhowaad 20 milyan oo doolar.
Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay Mashruuca Nagaad, kaas oo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka fulinayso dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo taageero ka helaysa Bangiga Adduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah.
Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay hadda gacanta ku hayso hirgelinta ku dhowaad 89 kiiloomitir oo waddooyin ah oo laga fulinayo Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Somaliland, isagoo sheegay in mashruucyadan ay qayb ka yihiin qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
