Labadii Maalmood ee Puntland u Qabtay Ciidamada Dowlada Federaalka Oo Dhamaaday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxa dhamaaday labadii maalmood ee Puntland u qabtay ciidamada ka diwaangashanaa Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo laabtaan ciidamada PL, ka dib la wareegistii xeryaha PSF ee Gaalkacyo & Boosaaso.

Maalinta Axadda, waxa lagu wadaa in ciidamada Danab ee uu hoggaamiye, Gen.Jimcaale ee fadhigoodu yahay deegaanka Ligle ee Nugaal ay dib ugu soo laabtaan ciidamada PL, iyada oo is-afgarad lagu gaadhay; in ciidankan ay diwaangeli u samayso dowladdu bixisona xuquuqdooda, iyaguna ay ka tanaasulayaan xidhiidhka DFS — sidaasi ayaa lagu wadaa in Puntland dib ula wareegto ciidamadii iska diwaangeliyey DFS ee Bari iyo Mudug, iyada oo la sheegey in ay badi is-afgarad laga gaadhay.

Tani waa fursad mideyn awoodeed oo heshay xukuumadda Puntland, waxa se sugaya maareynta xuquuqda ciidamadan badan ee kala duwan oo marar badan la arkay iyaga oo cabasho xuquuq jid u xidhay, waxa se ilo-dowladeed tilmaameen in mustaqbalka isdhexgelin loo samaynayo ciidamada PL, iyada oo meesha laga saarayo awoodaha beeleed & shaqsiyaad.