Saturday, November 14, 2026

Madaxda Ugu Awoodda badan Caalamka Oo Markii Ugu Horaysay ku Kulmaya Shiinaha

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Saddexda hoggaamiye ee ugu awoodda badan caalamka—Donald Trump, Vladimir Putin, iyo Xi Jinping—ayaa toddobaadka soo socda markii ugu horreysay taariikhda ku kulmaya magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa qorshaha yareynta hubka nukliyeerka, inkasta oo Shiinuhu uu si adag uga soo horjeedo inuu shaaciyo ama gorgortan ka galo xogta hubkiisa.

Shir-madaxeedkan xasaasiga ah ayaa si weyn loo wada sugayaa, maadaama uu si toos ah u go’aamin karo mustaqbalka amniga iyo dheellitirka awoodda adduunka.