Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay markii Iskuul ku yaalla gobolka Hunan ee dalka Shiinaha uu goob fagaare ah ku burburiyey 100 taleefan oo laga qaaday arday isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo jebiyey xeerka mamnuucaya isticmaalka taleefannada xilliga waxbarashada.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya macaliiin ka tirsan dugsiga oo dubbe, ku burburinaya taleefannada hortooda boqolaal arday. Maamulka dugsiga ayaa sheegay in tallaabadan looga golleeyahay in lagu joojiyo ku mashquulka taleefannada, korna loogu qaado anshaxa iyo feejignaanta ardayda inta lagu jiro casharrada.
