11
Sida ay xaqiijisay Warbaahinta Al jazeera, 14 qof ayaa ku geeriyooday diyaarad nooca Helicopter ah taas oo ku soo dhacday meel aan ka fogayn wershaddda shidaalka lagu sifeeyo ee Ras Tannuur ee dalka Sucuudiga.
Warbixinta ayaa intaa ku sii dartay in Helicopter ay lahayd shirkadda dhinaca shidalka u qaabilsan Sucuudiga ee Aramaco.
Dawladda Sucuudigu weli war kama soo saarin dhacdadan dhimashada badan sababtay ee dalkaas ka dhacday.
