Laba ka mida ragii afarta ahaa ee laga afduubay Deegaanka indha Biraale ee degmada Saylac ayaa lagu guulaystay inay Xoriyadooda dib u helaan, kuwaas oo hada gaaray deegaanka Geerisa ee degmada Lughaya.
Caaqil Ibraahim Muumin Xadi iyo Siyaasi Maxamed Cali Dhimbiil oo kasoo jeeda Beesha Ciise ayaa si wadajira uga shaqeeyay sidii Xal loogu heli lahaa xiisadan, islamarkaana loo siidayn lahaa dhamaan ragan dhawaan si qaldan loo afdoobtay.
Labadan Nin ee caawa la geeyay deegaanka Geerisa ayaa kasoo jeeda Beelaha Isaaq waxaana la sheegay inay hada gacanta ugu jiraan Caaqil Ibraahin Muumin iyadoo la filayo in Maalinta Barri ah lagu wareejin doono eheladooda, halaka labada maxbuus ee kale oo kasoo jeeda Beelaha Gadabuursi bari la gayn-doono degmada Xariirad. sida ay ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen
