Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif oo ka hadlay heshiiska difaaca wadajirka ah ee Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in heshiiskan u furanyahay dhammaan dalalka Muslimka ah inay ku biiraan.
Wuxuu yiri; “Runtii kama xiri karno albaabka dalalka kale. Heshiiskani waa inuusan noqon mid ay ku koobnaadaan dalal gaar ah oo keliya, balse aniga ahaan waxaan aaminsanahay inuu sii ballaarto.”
Wuxuu intaa ku daray;“Waxaan aaminsanahay in dalalka Islaamku, sida NATO oo kale, ay tahay inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda, ha noqdaan arrimo laba geesood ah ama dano isdiidan, isla markaana ay si wadajir ah ugu midoobaan hal dallad amni.”
