Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga Oo Booqasho ku yimid Somaliya si loo Xoojiyo Iskaashiga Difaaca

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, ayaa maamta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweynta waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, iyadoo wafdiga Turkiga lagu maamuusay habraaca iyo sharafta ciidamada, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidamada.

Booqashada ayaa ka tarjumaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo iskaashiga difaaca.

Labada dal ayaa sannadihii u dambeeyey xoojiyey wada-shaqeyntooda dhinacyada tababarka ciidamada, horumarinta awoodda difaaca iyo is-dhaafsiga khibradaha militari.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya ee taageera dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo uu door muuqda ka qaatay tababarrada ciidamada iyo horumarinta kaabeyaasha difaaca.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay inta lagu jiro booqashada ka wada hadlaan sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga milatari, loona xoojin lahaa dadaallada lagu taageerayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.