Israa’iil Oo Xoojinaysa Xulafadeeda Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Qurba-joogta Israa’iil, Amichai Chikli, ayaa sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu sii xoojiyo xulafada Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta, xilli Israa’iil ay walaac ka muujisay isbeddellada cusub ee dhinaca iskaashiga iyo difaaca ee Bariga Dhexe.

Hadalka wasiirka ayaa lagu baahiyay warbaahinta caalamiga ah ee Clash Report, isagoo si gaar ah u sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay inay qoto-dheereyso xidhiidhada ay la leedahay Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta.

Chikli ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay “horumar aad khatar u ah oo walaac leh” oo ka dhashay Isbahaysiga Makka, kaas oo ay ku midoobeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

Wasiirku wuxuu sheegay in Sacuudiga uu hore heshiis difaac ula lahaa Pakistan, balse uu walaac gaar ah ka qabo haddii Riyadh ay si dhow ula safato Turkiga, oo uu sheegay inuu hadda si toos ah uga horjeedo Israa’iil.

“Isbahaysiga Makka waa horumar aad khatar u ah oo aad u walaac badan,” ayuu yidhi Chikli, sida ay soo xigatay Clash Report.

Wuxuu sheegay in tallaabada Sacuudigu ugu sii dhawaanayo Turkiga ay yeelan karto cawaaqib aad u culus, gaar ahaan xaaladaha ka jira Badda Mediterranean-ka iyo jiidda Suuriya.

Walaaca Israa’iil ayaa imanaya iyadoo xidhiidhka u dhexeeya Tel Aviv iyo Ankara uu muddooyinkii u dambeeyay aad u xumaaday, taas oo sii kordhisay loollanka siyaasadeed iyo amni ee labada dhinac.

Chikli ayaa sheegay in xaaladdan ay Israa’iil ku qasbeyso inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay xulafadeeda, isagoo si gaar ah u magacaabay Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta.