Wednesday, August 12, 2026

Boqolaal Qof Oo Isugu soo Baxay Qorax Madoobaad Maanta ka Dhacay Aduunka,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Qorax madoobaad maanta ka dhacay qatbo ka mid ah aduunka, kuwaasoo inta badan kasoo baxay Calton Hill ee Edinburgh, Scotland, ee dalka UK, Maraykanka si ay u daawadaan qorrax-madoobaadka.

Calton Hill waxay qiyaastii 100 mitir ka sarreysaa heerka badda, waxayna leedahay muuqaal furan, gaar ahaan dhinaca galbeed. Haddii daruuruhu aysan soo dhowaan, dadka halkaas jooga waxay heli doonaan fursad ay ku daawadaan qorrax-madoobaadka.

Waxaa goobta ka dhacay dad badan oo isugu soo yaacay, kaddib markii shaqaalaha Astronomical Society of Edinburgh ay qaybiyeen 500 oo ah muraayadaha qorrax-madoobaadka lagu daawado.

Dad badan ayaa nasiib u yeelan waayay inay helaan muraayadaha, balse weli goobta ayay joogaan, iyagoo weydiinaya haddii muraayado dheeraad ah la heli karo. Qaar waxay rajaynayaan in dadka helay muraayadaha ay la wadaagaan dhowr daqiiqo, si iyaguna ay fursad ugu helaan inay si caadi ah u daawadaan qorrax-madoobaadka.