Thursday, August 13, 2026

Golaha Siyaasiyiinta Puntland Oo ka Digay Khilaaf ka Dhasha Hub-ka-dhigista Ciidamada Dowladda Federaalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay in hannaan kasta oo hub-ka-dhigis ah uu u baahan yahay heshiis bulsho, wadatashi loo dhan yahay iyo mabaadi’ cad oo hagaya, si loo xaqiijiyo caddaalad, sinaan iyo kalsoonida shacabka, loogana fogaado in hub-ka-dhigistu noqoto sabab dhalisa colaad sokeeye.

Golahan ayaa war-saxafadeed uu soo saaray ku baaqay in maamulka Puntland uu arrinta hub-ka-dhigista kala tashado dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo sheegay in wada-hadal iyo is-afgarad lagu salaynayo ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka haatan ka jira ciidamada hubaysan.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen maamulka Puntland in xal nabadeed loo raadiyo xiisadda ka taagan deegaanka Kodmo ee gobolka Bari, halkaas oo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay diideen in lagu sameeyo hub ka dhigis, iyo in ay ka laabtaan ka mid ahaanshaha ciidanka Dowladda Federaalka.

Golahan ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay weli ka jiraan khataro amni oo ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideysan karaan, taas oo ay sheegeen inay muhiim ka dhigayso in aan la abuurin xaalad horseedi karta dagaal sokeeye ama kala fogaansho bulsho.

Waxay ku adkeysteen in amniga, midnimada, xasilloonida iyo dowladnimada Puntland lagu gaari karo wada-hadal, tanaasul iyo is-qancin bulsho, iyadoo la dhowrayo jiritaanka iyo haybadda Puntland.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa ugu baaqay dhaqanka, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada inay door ka qaataan ilaalinta amniga, midnimada iyo jiritaanka Puntland.