Tartanka shidaalka ee dalalka Bariga Afrika ayaa sii xoogeysanaya. Kenya, Tanzania, Uganda iyo Itoobiya dhammaantood waxay doonayaan inay yeeshaan warshado waaweyn oo shidaalka lagu sifeeyo, si gobolka looga yareeyo ku-tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno.
Kenya waxaa qorshaheedu yahay in Lamu laga dhiso warshad aad u weyn oo sifaysa 700,000 foosto oo shidaal ah maalintii, waxaana mashruucan $16 bilyan ku maalgelinaya ganacsadaha reer Nigeria ee Aliko Dangote. Dhismaha waxaa la filayaa inuu bilaabmo bisha Oktoobar 2026.
Tanzania iyo Uganda iyaguna waxay xoogga saarayaan Tanga, halkaas oo ay doonayaan inay ka dhisaan xarun weyn oo tamar iyo shidaal ah, iyadoo Tanga ay sidoo kale noqonayso meesha ay ku dhammaanayso dhuumaha shidaalka Uganda laga soo saaro.
Itoobiya dhankeeda waxay horey u bilowday mashruuca warshadda sifaynta shidaalka oo laga hirgelinayo deegaanka Soomaalida, taas oo qayb ka ah qorshaheeda ballaaran ee horumarinta tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ku kacaya $2.5 bilyan.
Haddii mashaariicdan la dhammeystiro, Bariga Afrika wuxuu yeelan karaa awood weyn oo uu shidaalka gudaha lagu sifeeyo, taas oo yareyn karta shidaalka dibadda laga keeno, isla markaana dalalka gobolka u abuuri karta fursad ay shidaal ugu dhoofiyaan dalalka deriska ah.
Soo saarista shidaalka iyo in dalka laga soo saaray lagu sifeeyo, waxaa u dhaxeeya kala duwanaasho, marka dal shidaal laga soo saarayo sida hadda Turkiga uu ka howlanyahay inuu xeebaha Soomaaliya ka soo saaro, ka dibna gudaha Turkiga lagu sifeeyo markaa faa’iido badan kama dhalato shidaalka, balse marka gudaha lagu sifeynayo oo ah waxa ay u socdaan dalalka kale ee Bariga iyo Geeska Afrika, waa inay wax soosaarka shidaalka uga faa’iideysanayaan bacriminta beeraha, samaynta caagagga, kiimikooyinka, saliidaha iyo waxyaabo kale oo warshadeed oo laga sameeyo haraadiga shidaalka, taasoo sare u qaada faa’iidada oo ay weheliso inay ka gudbayaan ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga soo dhoofiyo.
Halkan waa goob kale oo ay Soomaaliya ku soo muujinayso dib dhac , tusaale ahaan haddii dalalka gobolka ay dhulkooda ku soo saaraan shidaal, waxay ka dhigantahay markaa shidaalka Soomaaliya haddii lagu guuleysto in la soo saaro wuxuu luminaya suuqa gobolka oo mar horaba uu tartan ka jiro. Dalkii riyadiisa ay ahayd in shidaalka ugu badan ee gobolka laga soo saaro ee Soomaaliya, wuxuu isku rogayaa dhul lagu soo qubo shidaalka ka imaanaya dalalka gobolka.

Screenshot

Screenshot
