Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la ogaaday dukumeenti been-abuur ah oo loo ekaysiiyay ruqsad rasmi ah oo lagu soo dejinayo dawooyinka la xakameeyo, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Controlled Drugs, kuwaas oo qaarkood sababi kara qabatin.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dukumeentiga been-abuurka ah lagu isticmaalay magaca wasaaradda, saxiixa iyo shaabadda rasmiga ah ee wasiirka, kaddib markii shirkad dawooyin oo dibadda ku taalla ay wasaaradda la soo xiriirtay si ay u xaqiijiso ruqsadda.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirkadda ay dawooyinka dalbatay ay wasaaradda weydiisay in ruqsadda loo gudbiyay ay tahay mid rasmi ah, taas oo wasaaraddu ku jawaabtay in dukumeentigu yahay mid been-abuur ah, isla markaana aysan oggolaan soo dejinta dawooyinkaas.
“Waxaan caddeynay in ruqsaddu been-abuur tahay, ayna wasaaraddu soo saarin, dawooyinkaasna aan la keeni karin dalka,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu kiiska u gudbisay xeer-ilaalinta iyo hay’adaha baarista, si tallaabo sharci ah looga qaado cidda lagu tuhunsan yahay inay been-abuurka samaysay.
Wuxuu sheegay in dukumeentiyada rasmiga ah ee wasaaradda ay leeyihiin lambaro iyo codes gaar ah, kuwaas oo lagu xaqiijin karo ujeeddada warqadda, waqtiga la bixiyay iyo cidda loogu talagalay, taasoo fududeysa in la ogaado dukumeentiyada la been-abuuray.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay adkaysay nidaamka lagu hubiyo dawooyinka la xakameeyo, iyadoo shirkadaha caalamiga ah ee soo saara dawooyinkan looga baahan yahay inay wasaaradda kala xiriiraan ka hor inta aan Soomaaliya loo soo dirin.
Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in xitaa haddii wasaaraddu aysan ka jawaabin codsiga shirkad, aan loo fasixi karin in dawooyinka la xakameeyo loo soo diro Soomaaliya, si looga hortago in dawooyin aan ruqsad haysan ay suuqa dalka soo galaan.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay heshiisyo la gashay shirkado kooban oo dawooyin keena, iyadoo dawooyinka loo diro isbitaallada gaarka loo leeyahay lagu aqoonsado badge number, si loo ogaado halka ay ka yimaadeen iyo halka lagu isticmaalayo.
Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in Soomaaliya ay weli caqabado ka jiraan dhinaca xakamaynta xuduudaha, taas oo fududeyn karta in dawooyin la xakameeyo iyo maandooriye ay dalka soo galaan.
Wuxuu sheegay in inkastoo dowladda ay soo saartay sharciyo iyo siyaasado lagu xakameynayo dawooyinka keeni kara qabatinka, haddana loo baahan yahay in la xoojiyo fulinta sharciga iyo baaritaanka dawooyinka ka soo gala dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka.
