Laba Nin Oo Heysta Dhalashada Jarmalka Oo Suuriya Loogu Xiray Eedeymo Argagixiso

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Labadan Shakhsi oo u dhashay Syria waxa ay safar booqasho ehelkooda u aadeen waddankooda Syria, sida la sheegay waxa ay heysteen dhalashada Jarmalka lama hubo, waxa ayna ku noolaayeen magaalada Berlin.

Markii ay gaareen halkaas waxaa qabtay Ciidanka ammaanka Syria, waxaana lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda Argagaxisada ee ISIS.

Dad badan waxa ay is weydiinayaan sidee Jarmalka ku ogaan waayay oo dhalashada ku siiyay xubno daacish ah, mise waa eedeyn aan la hubin oo iyaga lagu riixayo.