Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in iskaashiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo Türkiga uusan ahayn mid labada dal ay doonayaan inay qariyaan, balse uu yahay iskaashi ay indhaha ku hayaan bulshada caalamka.
Daahir Shire ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu ka soo gudbay heerka saaxiibtinimada, isla markaana uu maanta gaaray xiriir walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah, isagoo tilmaamay in Türkiye ay Soomaaliya garab istaagtay xilliyo adag.
“Saaxiibka dhabta ahi waa marka uu kula joogo xilliga xaaladdu adag tahay. Türkiga waxay ka gudubtay saaxiibtinimo, waxayna u gudubtay walaaltinimo,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu xusay in bishii Agoosto 2011, xilligii Erdoğan uu booqday Muqdisho, Soomaaliya ay ku jirtay xaalad uu ku tilmaamay “mugdi”, iyadoo dalal badan oo caalamka ah ay ka fogaayeen xaaladda Soomaaliya, iyagoo ka baqayay in dhibaatooyinka dalka ay iyagana soo gaaraan.
Sida uu sheegay wasiirku, wixii ka billowday gargaar bini’aadantinimo ayaa sannadihii dambe isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, madaxbannaanida, maalgashiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.
“Maanta imaanshihii uu xilligaas sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Türkiga, Madaxweynaha Türkiyga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, wuxuu gaaray heer maalgashigu uu ka gudbay malaayiin oo uu maanta gaaray balaayiin doollar,” ayuu yiri.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Türkiga ay sidoo kale kaalin ka qaadanayso taageerada amniga iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana labada dal ay ka shaqeynayaan sidii kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya uu ugu adeegi lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Daahir Shire ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca kheyraadka ee Soomaaliya iyo Türkiga uu yahay mid si weyn loo dareemayo, isla markaana aan labada dhinac doonayn inay qariyaan.
“Qeybsiga kheyraadka naga dhexeeya Türki iyo Soomaaliya waa mid aynaan qarin karin, waana mid dunidu ay indhaha ku hayso,” ayuu yiri.
