Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Professor Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), General Mahad Cambaashe, Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, Guddoomiyaha Guddida Nabadda Qaranka, Cabdulqaadir Jirde, Wasiirro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, kulankaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta gogosha nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu mar kale xaqiijiyey in mudnaanta koowaad ee Xukuumaddiisu ay tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo walaalaynta shacabka Somaliland, min bari ilaa galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey in wixii khilaaf iyo xurguf ah ee jira lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo waarta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje, isaga oo uga mahad naqay ku soo noqoshada dalkeeda iyo sida ay ugu soo hiratay ciiddeeda iyo calankeeda, taasoo wax ka tari karta gogosha nabadda iyo walaalaynta bulshada JSL ee bariga Gobolka Sool.
Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey dhammaan qaybaha bulshada in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo isku duubnida Qaranka, maadaama Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay hoy iyo dal ay wada leeyihiin dhammaan muwaadiniinteedu, midnimadeeda iyo nabaddeeduna tahay masuuliyad Qaran oo wada saaran.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇









